4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Turkiga: Waxaa la joogaa waqtigii ku habboonaa inay dunidu si dhow ula shaqeyso Soomaaliya
 

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Dowladda Turkiga ayaa cambaareysey weeraro mataano ah oo Al-Shabaab ay ka geysteen magaalooyinka Afgooye iyo Marka.

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay labo qarax oo is xig xigay oo Arbacadii ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.

Turkiga oo ah saaxiibka ugu weyn ee  Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Alshabaab, ayaa cambaareeyay weerarada dadka badan ay ku geeriyoodeen.

Turkiga ayaa sheegay in la joogo waqtigii ku habboonaa inay dunidu si dhow ula shaqeyso Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay kaliya in laga adkaado kooxda Alshabaab.

“Aad baan uga xunnahay markii aan ogaanay in dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin iyo dad rayid ah ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen weeraradii argagixiso ee shalay ka dhacay magaalooyinka Afgooye iyo Marka ee Soomaaliya,” ayuu yiri Turkiga.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxiso ee foosha xun, Alle naxariistii janno ha ka waraabiyo kuwii ku dhintay. Waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliyeed, waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay," ayuu yiri Turkigu.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa cambaareeyay weeraradan, isagoo xusay inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya. Mareykanka iyo Turkiga labaduba waa daneeyayaal muhiim ah oo tababarayay ciidamada gaarka ah ee Danab iyo Gorgor.