4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 14, 2022
Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in hal milyan oo Dollar ku bixinayaan gurmadka abaaraha Puntland
 

Khamiis, July 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku dhawaaqay in hal milyan oo Dollar ay ku bixinayaan gurmadka abaaraha ka jira Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa hadalkaan ka sheegay shirka u qareemida abaaraha Puntland oo caawa lagu qabtay magaalada Garowe, kaas oo ah shir dhaqaale loogu ururinayo abaaraha.

“Waxaan ku dhawaaqaynaa sanduuqa abaaraha Puntland, dawladdu waxay ku shubaysaa hal Million oo Dollar, waxaana maamuli doona guddiga abaaraha ee hadda jira, guddi culumo iyo Ganacsato ah oo aan magacaabi doonno,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ergayga gaarka ah ee abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka qeyb galay shirkan, ayaa bogaadiyay ballanqaadka madaxweyne Deni, wuxuuna sheegay lacagtaas inay wax badan ka tari karto culayska abaaraha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay inay madaxweynaha Puntland kawada hadleen shaqaaqadii ka dhacday magaalada Boosaaso, isagoo sheegay inay ahayd dhacdo xanuun leh.

Wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in marnaba fad qalalo siyaasaddeed la galiyo gurmadka abaaraha, isagoo sheegay in xaaladda abaaraha wax looga qaban karo iskaashiga dhexmara dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.