4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 14, 2022
Sheekh Aadan Siiro oo kamid ahaa culimadada waa wayn ee Somaliland oo geeriyooday
 

Arbaco, Luulyo, 13, 2022 (HOL) - Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo kamid ahaa culimada caanka ka ah Somaliland iyo guud ahaan gayiga Soomaalida, ayaa caawa ku geeriyooday dalka Hindiya sida eheladiisu sheegeen.

Sheekha ayaa dalka Hindiya u joogay xaalad caafimaad oo uu la daala dhacayay sannadihii u danbeeyay, isaga oo ka cabanayay xanuunka macaanka oo saamayn xun ku yeeshay, iyadoo marar kala duwan uu caafimaad u aaday isla dalka Hindiya sannadihii u danbeeyay.

Sheekha ayaa ahaa shakhsi lagu yaqaanay dal jacayl iyo caawinta dadka jilicsan, waxa kale oo lagu yaqaanay in uu si joogto ah u dhaliili jiray xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland, isaga oo saluug ka qabay nidaamka cadaaladeed ee ay ku shaqaynayeen.

"Caawa waxa geeriyooday hoggaamiye ummadeed, nin aaminsanaa wax wada qabsiga bulshada, wuxuu hindisay Miskiin-kalkaal oo maanta quudiya danyar badan, wuxuu ahaa addoon gacan furan oo sadaqada ka bilaaba naftiisa, wuxuu ahaa codkar caddaalad jecel" Xogeeyaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme, ayaa sida sheekha ku sifeeyay.

Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) oo ah garyaqaan u olloleeya caddaalada iyo maamul wanaaga, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku yidhi "Cod dheer ayaa caawa damay. Eebe ha u naxariisto. Samir iyo iimaan qoyskiisa ha ka siiyo".

Sheekh Aadan Siiro, ayaa lagu xasuusan doono taageeradii uu siin jiray danyarta, u hadalka caddaalada, iyo in uu ahaa shakhsi u olloleeya qadiyada gooni-isu-taaga Somaliland, oo uu badana masaajidada iyo fagaarayaasha kaga hadli jiray.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]