4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 12, 2022
Degmooyinka Jalalaqsi iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan oo loo kala magacaabay guddoomiyaal cusub
 

Talaado, July 12, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyahii degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof Dabaashe iyo ku xigeenkiisii dhanka amniga degmadaasi Mire Xuseen.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadlle ayaa xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Jalalaqsi waxaa loogu magacaabay Nuur Maxamed Absuge oo loo yaqaano Nuur Dheere oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Badbaado Hiiraan ee sida weyn uga soo horjeeday maamulka Hirshabeelle, waxaana ku xigeenkiisa amniga loo magacaabay Cabdi Cabdullaahi Xasan.

Xilka qaadista lagu sameeyay maamulka hore ee degmada Jalalaqsi ayaa wareegtada wasiir Caadle lagu sheegay iney tahay mid salka ku haysa soo jeedin ka timid Xildhibaanada Hirshabeelle ku matala degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Shalay ayay aheyd markii wareegto noocaan oo kale ah oo kasoo baxday Xafiiska Caadle xilkii looga xayuubiyay guddoomiyahii degmada Matabaan Maxamed Sheekh Maxamuud, islamarkaana guddoomiyaha cusub loogu magacaabay Bashiir Cabdiraxmaan Cabdi (Sheekeeye).

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online