4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Maraykanka oo 54% hoos u dhigay duqeymihii uu ka geysan jiray Soomaaliya, Yemen iyo Afgaansitan
 

Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay'adda lagu magacaabo Airwars ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 54 ay hoos u dhaceen weerarrada Maraykanka sannadkii ugu horreeyay ee madaxweyne Biden.

Tirada weerarada duqeymaha ee uu Maraykanku ka geysan jiray Afgaanistaan, Suuriya, Ciraaq, Soomaaliya iyo Yemen ayaa hoos u dhacay 439 sannadkii hore, marka loo eego 951 ee 2020, Airwars ayaa sidaas ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay dhawaan.

Ilaa iyo hadda waa tiradii ugu hooseysay ee duqeymaha Mareykanka tan iyo sannadkii 2004.

Madaxweyne Joe Biden ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay weerarada cirka ee uu Maraykanka kula dagaalamayo kooxaha xagjiriinta, kadib markii hay’addaha u doodda xuquuqda Aadanaha ay walaac ka muujiyeen khasaaraha dadka rayidka ah.

Bishii August ee sannadkii hore ayaa ugu dambeysay duqayn uu Maraykanku ka geysto Soomaliya, waxayna ahayd markii uu duqeeyay saldhig  Alshabaab ku lahaayeen tuulada Camaara ee Mudug ee koonfurta Mudug.

Halkaas oo ciiddamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka wadeen guluf ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online