1/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan deg deg ah la qaatay Hay'addaha Amniga dalka
 

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah la qaatay dhamaan hay'addaha amniga dalka, kadib weerarkii Xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Kulanka deg dega ahaa ee uu iclaamiyay Raysal wasaare Rooble waxaa kasoo qeyb galay oo goob joog ahaa Wasiirka Amniga Xukuumadda, Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Taliyaha Lugta, Taliyaha kumeel gaarka ee hay’adda Nabadsugidda, Taliyaha Booliiska gobalka Banaadir iyo Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray saraakiisha kala duwan ee ciidamada kasoo qeyb galay kulanka deg dega ahaa inay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga dalka.

“Raysal Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib  falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Raysal wasaaraha.

Kulanka Rooble iyo Saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa imaanaya xili xalay saqdii dhaxe ay Muqdisho marti galisay qaraxyo iyo dagaalo toos ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimashada ilaa sadax ruux iyo dhaawaca labaatameeyo qof oo isugu jiray ciidan iyo shacab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online