4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 21, 2022
Austria oo in ka badan $15 milyan oo dollar ku bixisay dayn cafinta Soomaaliya iyo Sudaan
 

Arbaco, December, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Austria ayaa bixisay lacag dhan €14.9 milyan oo deeq ah (qiyaastii US$15.8 milyan), taasoo loogu talagalay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee dayn cafinta dalalka soomaaliya iyo Sudan

Deeqda Austria ayaa qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo lagu bixinayo deymaha Soomaaliya iyo Suudaan ay ku leeyihiin dalalka adduunka, si loo caawiyo labada dal.

Labada dal ayaa markii ay buuxiyaan sharuudaha dayn cafinta waxay awood u yeelan karaa in laga taageero ka bixista xaaladda saboolnimada ee daba dheeraatay.

Hindisaha dayn cafinta waxaa bilaabay 1996 hay’adda lacagta adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka, ujeeddaduna tahay in la hubiyo in waddan sabool ah uusan la kulmin culeys deyn ah oo uusan maamuli karin.

Tan iyo markaas, beesha caalamka oo ay ku jiraan ururada caalamiga ah iyo dawladaha, waxay ka wada shaqaynayeen hoos u dhigista ilaa heer waara culayska deynta dibadda ee dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay.

Sida ku cad Hindisaha HIPC, waddamadu waa inay buuxiyaan shuruudo gaar ah, oo ay ka go'an tahay dhimista faqriga iyada oo loo marayo isbeddello siyaasadeed.

Sanduuqa iyo Bangigu waxay bixiyaan deyn cafis ku meel gaar ah marxaladda hore, marka waddan uu ka soo baxo ballanqaadyadiisa, deyn cafin buuxda ayaa la bixiyaa.