4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 18, 2022
Maxkamadda ciidamada oo Xukun dil ah ku riday nin Shabeellada dhexe ka geystay kufsi iyo dil
 

Axad, December, 18, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Maxamed Daahir Cali oo kufsi iyo dil u geystay Caasho Cabdullahi Maxamed.

Dambiilaha ayaa bishii hore ee November falkaan ka geystay tuulada Garas-weyne oo katirsan degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada amniga ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan ninkan, markii uu falkaan dhacay kadib.

Falka oo ka dhacay meel cidlo ah oo baadiye ah ayay maxkamaddu sheegtay inuu dambiilaha dilka u adeegsaday Toorreey. Waxay sheegtay inuu shan jeer toorreeyda ku dhuftay.

Waa mid kamid ah falalkii ugu xumaa ee ka dhaca Shabeellada dhexe, oo ay ka socdaan howlgallo Shabaab looga xoreynayo dhulka ay maamulayeen.