4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Diyaarad kuwa qaadka ah oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Cabudwaaq
 

Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Diyaarad kuwa qaadka keena ayaa goor dhowayd ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, wax yar kadib markii ay isku day day inay kasoo dagto halkaas.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda Bluebird ayaa Qaad kasoo qaadday magaalada Muqdisho, waxayna u kiraysnayd ganacsato Soomaaliyeed oo Qaadka kasoo dhoofsada dalka Kenya.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in diyaaraddu shil gashay, kaddib markii ay lugaha u bixi waayeen.

Ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo lasoo wariyay, marka laga reebo burbur xooggan oo soo gaaray diyaaradda.

Goobta diyaaraddu shilka ku gashay, waxaa meel aan ka fogayn farriisin ciidan ku leh maleeshiyo beeleed kasoo jeeda Cabudwaaq.

Dhawaan maleeshiyaad careysan ayaa la wareegay garoonka Caabudwaaq, kuwaas oo ka gadooday habka loo maray dhismaha golaha deegaanka ee degmada Cabudwaaq.

Maleyshiyaadkan ayaa waxay ka cabanayeen in aan lasiin saamigii ay beel ahaan u lahaayeen.