4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2022
Rugcadaa saxaafaddeed Cali Muuse Cabdi oo ku geeriyooday Talyaaniga
 

Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Waxaa xalay ku geeriyooday waddanka Talyaaniga allaha unaxariistee, wariye Cali Muuse Cabdi oo ka mid ahaa weriyayaashii ugu magaca dheeraa ee saxaafadda Soomaaliyeed.

Xaaska marxuumka, Ikraan, ayaa sheegtay in seygeeda isaga oo nabad ku seexday uusan nolol lasoo kicin. Waxay sheegtay in uusan jirin wax xanuun ah iyo dhib kale ah oo uu qabay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo siyaasiyiin kale ayaa tacsi u diray qoyska Cabdi Muuse, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa wariye khibrad leh oo dalkiisa iyo dadkiisa jecel.

"Maanta, waxaan weynay saaxiib aad u hal-abuur badan oo karti badan oo macno badan noo lahaa," ayuu Xasan Cali Khayre ku yiri qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook.

Marxuumku wuxuu kasoo shaqeeyey BBC, wakaaladda wararka ee Italia iyo AFP oo aheyd middii ugu waqtiga dheereed ee uu u fadhiyey Nairobi. Inta uusan gaarin da’da uu uga fariisanayey shaqada saxaafaddeed.

Talyaaniga ayuu sanadihii ugu dambeeyay ku noolaa, isagoo ugu wareegay howlo Caafimaad.