3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Raysal wasaare Xamse "Waxaan Baledweyne u imid dhiirigalinta iyo garab istaaga dadka deegaanka oo u istaagay dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab"

Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaralka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta gaaray magaalada Baledweyne ayaa ka qeyb galay munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynaayay isaga iyo wafdigiisa, taasoo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Wafdiga Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino la xariira xaalada abaaraha deegaanada gobolka Hiiraan iyo xaalada howlgalada ciidamada iskaashanaya ka kala dhageystay madaxda maamulka Hirshabeelle, masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee shacabka reer Baledweyne.

"Waxaan kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Maamulka Gobolka Hiiraan, Ciidammada qalabka sida iyo dhammaan bulshada qeybahooda kala duwan, Waxaana dhagaystay baahiyaha ay bulshadu qabto" ayuj yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in socdaalkiisa Baledweyne uu daaran yahay dhiiragalinta iyo garab istaaga geesinimada ay muujiyeen dadka reer Hiiraan oo u istaagay la dagaalanka al-shabaab.

"Waxaan marar badan balan qaaday in Xukuumadeyda mudnaanta koowaad siin doonto xoreynta iyo sugidda amniga, waxaan Baledweyne u imid dhiirigalinta iyo garab istaaga dadka deegaankan oo runtii si geesnimo ah ugu istaagay dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab, waxaad noqon doontaan reer Hiiraan dad lagu dayan doono talaabada aad sameyseen ee ah inaad iska dhicisaan cadawga" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa amray in si deg deg ah loo bilaabo dhismaha Ceelashii biyaha ay qarxiyeen Al-shabaab ee ku yaala deegaanada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

"Al-shabaab waa arxanlaawayaal aan bini'aadanimo xata ku jirin, xiligan oo dalka dhibaatada abaarta ad aragtay ka jirto nimanka ceelashii biyaha laga cabaay ka qarxiyay ayaa islaanimo sheeganaya waa ceelashii ay ayaga xata biyaha ka cabayeen, waxaan leeyahay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka jihaad ayaad ku jirtaan ee cadawga halaga xoreeyo gobolka iyo guud ahaan dalka anagana wan idin garab taaganahay"ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gabagabdii Raysal wasaaraha dalka ayaa faray golahiisa wasiiradda in dadka abaaburtu halakaysay si mug leh loogu gurmado, islamarkaana ciidamada la dagaalamaya Al-shabaab lala garab istaago wax walba ay u baahan yihiin.












Click here
8/25/2022 3:21 PM EST
Khamiis, Ogosto, 25, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag kusoo rogtay bandow wixii ka danbeeyay 8:00 habeenimo, kadib mudaharaado rabashado wata oo halkaa ka dhacay shalay.

8/25/2022 3:16 PM EST
Khamiis, Ogosto, 25, 2022 (HOL) - Guddi ka kooban ganacsatada waa wayn ee Somaliland oo isku xilqaamay xal u helida khilaafka siyaasadeed, ayaa soo jeediyay in hal mar lawada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada.

8/25/2022 9:58 AM EST
Arbaca, Ogosto, 24, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay ku dhiiratay in ay shacabka layso, isaga oo soo jeediyay in talaabo laga qaado cidii dishay ninkii Ceerigaabo lagu dilay.

8/25/2022 7:26 AM EST
Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa gaaray Garowe, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo dad kaloo badan.

8/25/2022 5:02 AM EST
Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baralamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/25/2022 3:28 AM EST
Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Duqa magaalada Kismaayo, Cumar Cabdullaahi Maxamed Farawayne ayaa digniin ujeediyay siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay abuurayaan carqalad ka dhan ah muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe.

8/25/2022 3:13 AM EST
Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horeyay ugu ambabaxo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, tan iyo markii loo doortay xilka Raysal wasaarenimo.

8/25/2022 1:51 AM EST
Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta laga sugayaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo uu ku qaadandoono safar saddex cishe iyo ka badan qaadan kara.

8/25/2022 1:41 AM EST
Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Golaha fulinta ee Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa anisixiyay laba degmo oo ka mid noqon doona gobolka Siti, ee dowlad degaanka Soomaalida.