Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo gaaray magaalada Garowe



Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa gaaray Garowe, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo dad kaloo badan.

newsinsideMadaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ma jirin masuuliyiin kale oo ku wehlisay socdaalkiisa marka laga tago wasiirka arrimaha dibadda oo kagasoo horreeyay magaalada Garowe.

Soo dhowaynta kadib, labada madaxweyne wax war ah ma siinin warbaahinta, waxayna si toos ah ugu gudbeen xarunta madaxtooyada, halkaas oo la filayo inay kulan gaar ah ku yeeshaan.

Waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku yimaado Puntland tan iyo markii loo doortay madaxweynaha, bartamihii bishii May ee sannadkan 2022.