4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno
 

Talaado, Agoosto, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddiga amniga qaranka ayaa ka hadlay xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee la dagaalanka ururka Alshabaab.

Madaxweynaha oo kulanka kadib warbaahinta dowladda la hadlay, ayaa sheegay inay dowladdu diyaar garoow ugu jirto xoreynta deegaannada ay haystaan Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado wuxuu ku tilmaamay cadawga duullaanka ku ah nabadda, iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an in aan  argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna”.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikhm

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn  Alshabaab ay ka leeyihiin weerarradooda ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna”.

Shirka guddiga amniga qaranka oo ay ka soo qeyb-galeen Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, golaha wasiirrada iyo taliyayaasha ciidamada, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat.