4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2022
Ciidanka militariga Soomaaliya oo sheegay inay cagta mariyeen Saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Hees

Isniin, Agoosto, 22, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan cagta ku mariyeen saldhiggii ugu weynaa kooxda Al-shabaab ay ku lahayd deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan.

Sawirro lagu faafiyay baraha internetka ee ciidamada xoogga dalka ayaa lagu arkayaa godad iyo guryo cawshado ka sameysan oo ciidamadu ay sheegeen inay halkaas farriisin u ahayd Alshabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmo ka hor Alshabaab kala wareegay deegaanada Ceel-heley, Nuur fanax, iyo Beerxano, ka dib howlgalo ay ka fuliyeen oo lagu dilay 17 ka tirsan Alshabaab

Howlgallada ka socda gobolka Hiiraan waa kuwii ugu culusnaa ee sannado kadib ay halkaas ka sameeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo iskaashanaya.

Sidoo kale, Wasiirka gaashaanka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray gobolka Hiiraan, kadib markii uu sheegay in dowladdu xoojinayso howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.