4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 21, 2022
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Maanta gaaray magaalada Baledweyne


Axad, Agoosto, 21, 2022 (HOL) - Wafdigaan Maanta gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa hoggaaminaayay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Markii ay gaareen wafdiga magaalada Baladweyne waxay booqdeen xurunta taliska ciidanka ATMIS ee ku taala Ceeljaale, halkaasoo ay kulama kula qaateen saraakariisha ATMIS, saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo masuliyiin ka socotay maamulka gobolka hiiraan oo ay ka dhegeysteen warbixino la xariira xaaladada  guud ee gobolka Hiiraan.

Socdaalka wafdigaan uu hoggaaminaayo wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ee Maanta ku tagay Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, xili ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda oo is kaashanaya ay wadaan mudo laba bilood ka badan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, islanarkaana ay kula wareegeen deegaano badan oo ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabaab.