4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 21, 2022
Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii hotel Xayaat
 

Axad, Agoosto, 21, 2022 (HOL) - Ku dhawaad ​​30-saacadood kadib, ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa afjaray weerarkii hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal katirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda AFP ayaa sheegay inay geeriyoodeen dhammaan dableydii hotelka ka dagaalamaysay. Wuxuu sheegay in saakay la qaban doono shir jaraa'id oo dowladdu ku faahfaahindoonto howlgalka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday inta uu weerarkan socday, inkastoo wararka qaar ay sheegayso in dhimashadu ay intaas ka badan karto.

Kooxda weerarka geysatay ayaa ​​adeegsanayay walxaha qarxa si ay gudaha ugu galaan Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ka hor inta aysan si buuxda gacanta ugu dhigin.

Hoteelka ayaa si xooggan u burburay ka dib markii ciidamada ammaanku ku duqeeyeen bambaanooyin xooggan, iyadoo muuqaallada laga soo duubay ay muujinayaan holac iyo qiiq ka baxayay saqafka sare ee hoteelka.