4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Faahfaahinta wararkii ugu dambeeyay ee weerarka hotel Xayaat
 

Sabti, Agoosto, 20, 2022 (HOL) - Ciidamada amniga ayaa hakiyay rasaas iyo madaafiic ay ku garaacayeen hotelka Xayaat, halkaas oo muddo ka badan 24saac ay ka dhex dagaalamayeen dabley katirsan Alshabaab.

Weli wax rasmi ah lagama hayo in dowladdu soo gabagabaysay howlgalka, iyadoo waddooyinka ku dhow dhow hotel Xayaat loo fasaxay inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha sida Bajaajta.

Dhinaca Shabaabka ka dagaalamayay hotelka gudihiisa, muddo hal saac ah ma jirto wax rasaas ah oo kusoo rideen ciidamada amniga, laakiin lama xaqiijin inay ku geeriyoodeen madaafiic dowladdu ku garaacday goobta ay ka dagaalamayeen.

Laamaha amniga ayaa lagu wadaa inay la hadlaan saxaafadda soona bandhigaan halka uu xaalku marayo xilli dowladda lagu dhaliilayo sida ay u maaraysay ka jawaabidda weerarkan.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah dadkii hotelka lagasoo badbaadiyay ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay soo gaareen hotelka labo saac iyo badh kadib weerarka. Wuxuu sheegay haddii waqti hore imaan lahaayeen, in dad badan oo geeriyooday la badbaadin karay.

Wuxuu sheegay in dadka ugu badan ee geeriyooday ay ahaayeen dadkii ku cararay gudaha hotelka ee isku dayay inay gabbaad ka helaan qeybaha sare.