4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Booliiska Somaliland oo soo qabtay nin dil naadir ah Hargaysa ka gaystay
 

Sabti, Ogosto, 20, 2022 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa ku guulaystay in ay soo qabtaan nin afka soo duubtay, oo isaga oo ordaya Hargaysa xabad ku dilay nin oday ah, isla markaana dhawacay wiil 17 sanno jir ah 13 kii bishan.

Afhayeen u hadlay ciidanka booliiska ayaa sheegay in ciidanku ku guulaysteen in lasoo qabto ninkan dilka naadirka ah ka gaystay Hargaysa, waxaanu raaciyay in uu qirtay in uu isagu falka fuliyay, sharcigana lala tiigsan doono.

"Booliisku way ku guulaysteen, ninkaa way soo qabteen, qoraal ayaa laga sameeyay, waxa uu qirtay in uu falkan isagu sameeyay, waxaana la gayn doonaa sharciga iyo maxkamada awooda u leh".

Waxa uu sheegay in ninka dilka gaystay uu u dan lahaa odayga dhintay, oo ay dhul isku haysteen lakiinse uu wiilka yar u toogtay si uu u jahawareeriyo booliiska oo falku ugu ekaado mid argagixiso.

"Waxa uu ahaa kiis abaabulan si uu ninkani inoogu tuso fal argagixiso, hase yeeshee waxaanu ogaanay in uu falkani yahay fal aano ah, oo anay wax argagixiso ahi lug ku lahayn, ninkana aano dhul ayuu falkan ku fuliyay".

Ninkan caawa lasoo qabtay ayaa 13 bishan inta uu madaxa soo duubtay isaga oo cararaya toogasho ku dilay oday Cabdi Xandule Fidhin, isla markaana dhaawacay  Sakariye Maxamuud Sheekh Muumin oo ah wiil 17 jir ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]