4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Meydad hor leh oo laga soo saaray hotelka Xayaat iyo rasaas goos goos ah oo wali la maqlaayo
 

Sabti, Agoosto, 20, 2022 (HOL) - 20 saacadood kadib wali waxaa laga dhex maqlaya gudaha hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho oo xalay fiidkii weerar ku bilaawday qaraxyo Ismiidaamin ah Al-shabaab ku galeen rasaas marna  xoogeysaneysa marna si goos goos ah u dhaceysa.

Goordhaw waxaa hotelka laga soo saaray meydadka ilaa 10 ruux oo la sheegay iney u badan yihiin odayaal dhaqameedyo shir ku laha gudaha hotelka, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay hotelka Xayaat oo ay gudahiisa ka dhex dagaalamayaan xubo ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo ragga weerarka soo qaaday ayaa ku dhex dagaalamaya gudaha hotelka Xayaat, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan iyo jugta qaraxyo miinooyiin ah oo labada dhinac ay qarxinayaan taaso la tilmaamayo iney sii kordhineyso dhibaatada iyo maqashada ka dhex jirta hotelka Xayaat.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa ilaa xalay fiidkii hore ah mid ku howlahan qaadista meydadka iyo dhaawacyada laga soo saarayo dhismaha hotelka Xayaat, kuwaas oo geynaya Isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana mashquul xoogan uu ka jira goobaha Isbitaalada Muqdisho oo ay buux dhaafiyeen dad baadi goobaya dadkooda ka maqan.

Wararka hordhaca ah ee Shabakada HOL ay ka heleyso khasaaraha dhimashada ee weerarka ka socda hotel Xayaat ayaa sheegaya in ku dhawaad 25 ruux ay ku dhimatay weerarka, islamarkaana dhaawacyada ay kor u dhaafayaan 50 ruux.

Ciidanka dowladda ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad, Alfa Group iyo ciidamo kale ayaa wada howlgalkii ugu danbeeyay ee lagu soo afjarayo dagaalka qaatay saacadaha badan ee ka socda gudaha hotelka Xayaat oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, oo wali rasaas goos goos ah laga dhex maqlaayo.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.