4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2022
Dowladda Mareykanka oo war kasoo saartay muranka ka dhashay natiijada doorashada dalka Kenya
 

Arbaco, Agoosto, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday shacabka dalka Kenya iney muujiyaan deganaasho iyo dulqaad, maalin kadib markii la shaaciyay natiijada doorashada inuu ku guuleystay William Ruto oo noqonaya madaxweynaha shanaad ee dalkaasi Kenya, iyadoona natiijadaasi uu qaadacay Raila Odinga oo ahaa musharaxa tartanka adag la galay William Ruto.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Mareykanka Ned Price ayaa ka dalbaday dhinacyada ku loolamay doorashada dalka Kenya iney si nabad ah ku xaliyaan wax walba oo ku saabsan tabashada doorashadii dhacday.

"Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan si nabad ah in lagu xalliyo walaac kasta oo jira oo ku saabsan doorashooyinka, iyada oo loo marayo hababka xallinta khilaafaadka ee jira Waxaan ka codsanaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan ku boorrinta taageerayaashooda inay nabad ahaadaan oo ay ka fogaadaan rabshadaha inta lagu jiro habka doorashada" ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

Si kastaba ha ahaatee Raila Odinga ayaa markiisii shanaad u tartamay qabashada xilka madaxweynaha dalka Kenya ayaa ahaa Musharaxa sida adag ula tartamay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa natiijada codbixintii 9-kii Ogoosto ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, isagoona ku andacoodey in la khiyaanay tartamadii hore ee guuldarradu kasoo gaartay, wuxuuna ka gaabsaday inuu si cad ugu dhawaaqo inuu dacwad u gudbin doono Maxkamadda sare.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto diidmada natiijada doorashada ee uu diiday hoggaamiyaha laga guuleystay ee 77 jirka ah oo lagu xasuusto doorashadii lagaga guuleystay sanadkii 2007-dii ee sababtay dhimashada in ka badan 1,100 qof oo isku dilay hab qabiileysi, taasoo markii dambe lagu xaliyay hab awood qeybsi oo Raila Odinga loogu magacaabay Raysal wasaaraha dalka Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]