4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Kenya waxay tusaale u noqonaysaa dimuqraadiyadda dalalka gobolka
 

Talaado, Agoosto, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto isagoo ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinkii dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen. Wuxuu sheegay inay tusaale u noqonayso hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan Soomaaliya.

Sida ay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay, Labada Madaxweyne waxay isla qaateen adkeynta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.