4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Ururka EAC
 

Axad, Agoosto, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC Cabdisalaan Hadliye Cumar, sida lagu shaaciyay qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Ergayga uu Maanta magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya uu uga qeyb galay shirka dalalka ku mideysan daladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC, isagoona sharaxaad ka siiyay sababta dowladda Soomaaliya u dooneyso iney ka mid noqoto Ururka EAC.
    
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]