4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2022
Sarkaal katirsan wasaaradda maaliyadda Puntland oo Gaalkacyo lagu dilay
 

Axad, Agoosto, 14, 2022 (HOL) - Sarkaal katirsan wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, xilli uu kasoo baxay salaada cishaha ee masjidka Salaaxudiin ee xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Waa dilkii saddexaad oo muddo saddex bilood gudaheed ah ka dhacaya magaalada Gaalkacyo, iyadoo magaaladu ay dib ugusoo laabteen dilalkii madaxa jebiskii ahaa.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay  dilalkan. Alshabaab ayaa magaalada Gaalkacyo horey uga geysan jirtay dilalka nuucaan oo kale ah. Walow ay hoos u dhaceen sannadkii 2021.

Bishii june ee sannadkii hore, Puntland ayaa dil toogasho ku fulisay 18 nin oo ahaa Shabaabkii magaalada Gaalkacyo ka geysan jiray dilalka iyo qaraxyada tan iyo 2007-dii.