4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
Barlamaanka Soomaaliya oo isku diidan in xildhibaannada Ceelwaaq ay ka qeyb galaan doorashada barlamaanka
 

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa isku khilaafsan sida laga yeeleeyo xildhibaannada lagusoo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo haatan ku sugan hoolka doorashada.

Xildhibaanno ayaa usoo jeediyay guddoomiyaha barlamaanka in xildhibaannada Ceelwaaq aysan ka qeyb qaadan doorashada guddoonka barlamaanka, illaa iyo inta barlamaanku go’aan wadajir ah kasoo saarayo xaaladdooda.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee barlamaanka ayaa ku gacan sayray soo jeedintaan, wuxuuna sheegay inay xildhibaannadu si saxan ku yimaadeen ayna xaq uleeyihiin inay doorashada galaan.

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyihii hore ee asluubta, ayaa sheegay in xildhibaanno uu ku jiro ay kasoo horjeedaan in xildhibaan aan marin habraac doorasho oo saxan uusan kala qeyb galaan doorashada barlamaanka.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in go’aan rasmi ah laga qaato arrintaan, wuxuuna guddoomiyaha barlamaanku sheegay in ay hoolka joogayaan illaa doorashada laga galayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]