4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Raysal wasaare Rooble oo faray ciiddanka howlgalka ATMIS inay la wareegaan amniga teendhada Afisyooni
 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray ciiddanka nabad ilaalinta ee ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si loogu qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka, looguna diyaar garoobo doorashada Madaxweynaha ee bisha soo socota.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu go’aankaan u qaatay, isagoo tixgalinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo sida uu sheegay dhammeystirka arrimaha doorashada.

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka. Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga,” ayuu yiri Rooble.

Raysal wasaare Rooble waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay ficillada lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, wuxuuna digiin ujeediyay taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin carqaladeynta habsami u socodka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]