4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2022
Labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya oo sabtida berrito ah yeelandoona kulamadoodii ugu horreeyay

Jimco, April, 15, 2022 (HOL) - Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta sabtida ah yeelandoona kulamadoodiiii ugu horreeyay ee dastuuriga ah kadib markii khamiistii shalay si rasmi ah loo dhaariyay.

Labada guddoomiye ee kumeel gaarka ah ayaa farriin udiray xildhibaannada labada aqal, waxayna u sheegeen inay kasoo qeyb galaan kulamada joogtada ee looga arrinsanayo howlaha doorashada guddoomiyayaasha labada aqal.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee aqalka hoose, Cabdisalaan Xaaji Axmed “Dhaban-cad” ayaa codsaday in lasoo dadajiyo kuraasta aan weli dooran, si doorashada guddoonka barlamaanka aqalka hoose loo guda galo.

Dhaban-cad oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn ayaa u sheegay xildhibaannada aqalka hoose in aanu qofna golaha ka maqnaan karin illaa la doorto guddoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

Sidoo kale, guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee aqalka sare, Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ah Senatorka ugu da'da weyn ayaa sidaas oo kale xildhibaannada aqalka sare ugu baaqay inay sabtida kasoo qeyb galaan kulamada aqalka sare.

Doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib u dhac ku yimid in ka badan hal sano, kadib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu ku guuldaraystay inuu doorashada qabto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online