4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Raysal Waaaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay go'aankii kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal
 

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go'aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal oo ay uga wareejiyeen magaalada Garbahaareey doorashada 16-ka kursi ee taalay, islamarkaana ay u wareejiyeen magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu soo dhaweeyay go'aanka guddiga doorashooyinka, iyadoona Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku boorriyey guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal iyo maamul goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhamaystiraan kuraasta dhiman oo lagu qabanayo doorashadooda Magaalada Ceelwaaq ee Gedo.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada lahaad ee Jubaland” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay dhankiisa go’aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu mar kale ku celinayo hadalkiisi ahaa inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.

Wuxuu intaasi ku daray madaxweynaha Jubbaland in mar walba ay muhiim tahay in gobolka Gedo ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka, islamarkaana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari karin doorashadooda taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadama aysan jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hay’ado amni oo damaanad qaadi kara nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.

Gabagabadii madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool Magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan Hay’adaha amniga nabadgalyada deegaanka, soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinka kuraasta lagu dooran doono Ceelwaaq.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online