4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan oo loo sheegay inay isku diyaraiyaan howlgallo naf hurid ah
 

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Taliye ku xigeenka ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya Col David Opera ayaa u sheegay taliyeyaasha ciidamada ATMIS in ay diyaariyaan naftooda iyo ciidamadooda si ay uga qeyb qaataan howlgallada ay ka sameynayaan Soomaaliya.

Col Opera ayaa hadalkan jeediyay isagoo guddoominayay kulan uu kula wareegayay xafiiska taliska diyaaradaha Dagaalka, kulankaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee xerada Xalane ee Muqdisho.

Opera ayaa sheegay in Taliyayaasha looga baahan yahay in ay u diyaariyaan ciidamadooda inay awood u yeeshaan in ay sugaan amniga doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka. Soomaaliya oo dhawaan la filayo.

Howlgalka ATMIS ayaa billaabay inuu isku shaandhayn ku sameeyo  taliyayaashii hore ee ciidamada AMISOM, taasoo qeyb ka ah qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya.

ATMIS iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qorshaynaya in doorashada kadib ay billaabaan howlgallo wadajir ah oo Alshabaab looga xorraynayo deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online