4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 31, 2021
Madaxweynaha Galmudug oo dalbaday in Ahlu Sunna hubka iyo ciidankeeda kusoo wareejiso
 

Axad, October, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa kulan kula qaatay halkaasi odayaasha iyo waxgaradka degmada Guriceel.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa odayaasha dhaqanka ka dalbaday in hubka iyo ciidamada Ahlu Sunna lagu soo wareejiyo maamulka Galmudug, si uusan markale dagaal uga dhicin deegaanada maamulka Galmudug.

Dalabka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili dhawaan afar maalmood oo xiriir ah ay degmada Guriceel ku dhex dagaalamayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweyne Qoorqoor ayaa imaanaya xili ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ay ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo magaalada Dhuusamareeb u jirta ilaa 30KM, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ahlu Sunna oo ku saabsan dalabka kasoo baxay madaxweynaha Galmudud Axmed Qoorqoor.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]