4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 30, 2021
Wararkii ugu danbeeyay xaaladda dadkii ku sumoobay hilib geel ay cuneen
 

Sabti, October, 30, 2021 (HOL) - Sidaan wararkeenii shalay ku sheegnay waxaa jirtay in dad degganaa meel u dhaw degmada Awaare ee dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya ay ku sumoobeen neef geela oo ay hilibkiisa cuneen, dadkaas oo shuban iyo mantag yeeshay ayaa waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayay xarumaha caafimaad ee ku dhaw goobtii ay degganaayeen.

Haddaba maanta siday noo sheegeen dad si toos ah ula socda xaaladda caafimaad ee dadkaas dhibku soo gaaray, waxay sheegeen in ay xaaladoodu soo roonaanayso oo sidii hore ay dhaanto, marka laga reebo 2 caruur ah oo wali iyagu aad u xanuusanaya shubankii iyo mantaggiina leh.

Dhanka dawlad degaanku waxay sheegeen in baadhis ballaaran la samaynayo, taas oo ku saabsan waxa uu yahay cudurka ku dhacay neefka geela ee ay hilibkiisa dadku wax ku noqdeen, iyagoo dhinaca kale xusay in dadka laga wacyi galin doono inaanay isticmaalin hilibka neef xanuusanaya oo sii dhimanaya.

Hilibka geela ayaa ah mid aad looga isticmaalo loogana jecel yahay dhulka ay Soomaalidu degto, waxaana dhacda inaysan dad badani iska eegin bad qabka neefka geela ee ay qalanayaan, jacayl ay u qabaan hilibkiisa.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]