4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 30, 2021
Mahdi Guuleed oo lagu eedeeyay inuu boobayo kursigii uu ku fadhiyay xildhibaan Xuseen Carab Ciise
 

Sabti, October, 30, 2021 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed Khadar ayaa lagu eedeeyay inuu boobayo kursiga tirisigiisu yahay 239, oo katirsan kuraasta ay golaha shacabka ku leeyihiin bulshada Somaliland.

Waxaa raysal wasaare ku xigeenka arrintaan ku eedeeyay dad kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo ku doodaya in kursigan uu yahay kursi ay beeshooda leeyihiin isla markaana musharraxiintii ku tartami lahaa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Waxay sheegeen raysal wasaare ku xigeenku inuu xaq u leeyahay inuu ku tartamo kursiga tirsigiisu yahay 254, oo haatan uu ku fadhiyo xildhibaan Jaamac Maxamed askar, oo katirsan barlamaanka waqtigiisu dhamaaday.

Kursiga 239 oo lagu eedeeyay inuu Boobayo Mahdi Guuleed, waxaa horey ugu fadhiyay xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo ah wasiirkii hore ee gaashaanka dhigga Soomaaliya, dowladdii madaxweyne Sheikh Shariif.

Guddiga doorashada ayaa kursigan muranku ka taagan yahay waxay soo saareen jadwalkiisa doorasho, waxaana la filayaa in raysal wasaare ku xigeenku u tartamo.

   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online