4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 16, 2021
Hanad Abdi Mohamad: Uma malaynayn in badbaadinta dadka aan ku mutaysanayo 142 xabsi ah

Talaado, November 16, 2021 (HOL) - Sannad ayaa laga joogaa markii jasiiradda Chios ee dalka Greece lagu xukumay, saddex dhallinyaro ah oo u kala dhashay Afgaanistaan iyo Soomaaliya, kuwaas oo ku xukuman xabsiyo waaweyn oo gaaraya 50 sano iyo 142 sano.

Waxaa lagu helay dambi ah in ay ku shaqeysanayeen doomo la buufiyay oo ay ku wadeen tahriibayaal kale, kadib markii ay sheegeen in ay badda uga tageen dad wax tahriibin jiray oo ka dhex shaqeyn jiray Turkiga iyo Greece.

"Uma malaynayn in badbaadinta dadka ay dambi tahay," ayuu yiri Hanad Abdi Mohammad, oo 28-jir ah, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay tahriibin ka dib markii uu yimid Greece bishii December ee sannadkii la soo dhaafay laguna xukumay 142 sano oo xarig ah.

Hanad ayaa u sheegay saxafiyiinta iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Yurub oo booqday usbuucii hore in uusan haysan wax kale oo aan ka ahayn inuu badbaadiyo nolasha dadka la socday doonida uu naaquudaha ka ahaa, kadib markii Mukhalasiinta doonta iska lahaa ay ku qasbeen inuu la wareego kaxaynta doonta, iyagoo wajiga ka saaray bastoolad, uguna hanjabay in ay dilayaan.

"Suurtagal maaha in qof Greece magangelyo u yimaada in uu la kulmo xukunno adag sababtoo ah waxaa lagu qasbay, duruufo ama cadaadis awgeed, inuu la wareego doonta," ayuu yiri Alexandros Georgulis, oo ka mid ah qareennada u doodaya saddex maxbuus oo ku sugan Chios.

Ururada udooda xuquuqda Aadanaha ayaa si kulul uga horyimid xukunka Greece ku riday saddexdan dhalinyarada ah, waxayna sheegeen in ay xad gudub tahay ilaalinta xuquuqda muhaajiriinta iyo xuquuqda Aadanaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online