4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 16, 2021
Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay warar sheegayay in Raysal wasaaraha uu wadahadalo la yeelanayo hoggaanka Ahlu Sunna

Talaado, November 16, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa faahfaahin ka bixiyay warar baraha bulashada si aad ah loogu faafiyay saacadahii lasoo dhaafay ee ahaa in raysal wasare Rooble qorshaha uu u tagay Dhuusamareeb ay ka mid tahay inuu wadahadalo la yeesho Ahlu Sunna.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in safarka raysal wasaaraha ee Dhuusamareeb uusan qeyb ka aheyn qorshahiisa inuu wadahadal la yeesho Ahlu Sunnada hubeysan.

” Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble qorshaha uu u tagay Dhuusa-mareeb kuma jirto in uu wada-hadal la galo Ahlu sunnada hubeysan ayuu yiri” Wasiir Al-cadaala.

Wararkan ayaa soo baxay kadib markii raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya uu shalay gaaray degmada Dhuusamareeb oo uu sheegay in qorshaha safarkiisa uu yahay u kuurgalida arrimaha doorashooyinka.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa sidoo kale ku sugan deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud oo Dhuusamareeb u jirta qiyaastii 30KM, waxaana dhawaan fashilmay wadahadalo lagu dhex dhexaadinayay hogaanka Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]