4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2021
Beesha caalamka oo soo dhoweysay dhameystirka doorashada aqalka sare

Isniin, November 15, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu soo soo dhaweeyey dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, kadib markii todobaadkan labadii senator ee ugu dambeeyay lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Beesha caalamka ayaa welise aad uga walaacsan dib-u-dhaca weyn ee ku yimid jadwalka guud ee doorashooyinka, waxayna ku boorriyeen hoggaamiyayaasha  Soomaaliya in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka.

Beesha caalamka waxay sheegtay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan iyagu ay bixinayaan, durbaba la heli karo si loo dhammeystiro qeyb weyn oo ka mida doorashooyinka Golaha Shacabka.

“Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in ay hubiyaan in qoondada haweenka ee boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad,” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

Ugu dambayn, waxay beesha caalamka carrabka ku adkeeyeen walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhac ku yimaado  doorashada ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online