4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2021
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ku wajahan magaalada Garowe
 

Isniin, November 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku wajahn magaalada Garowe, ee caasimadda Puntland, halkaas oo ay wada hadal arrimaha doorashada ku saabsan kuwada yeelan doonaan isaga iyo madaxweyne Deni.

Tegitaanka madaxweyne Axmed Madoobe, ayay Puntland aad u adkaysay amniga magaalada Garowe, iyadoo loo xiray qaar kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan, sida uu kusoo waramayo wariyaha HOL, ee magaalada Garowe.

Deni iyo Axmed Madoobe oo xulufo ku ah arrimaha doorashada, ayaa kulankooda Garowe wuxuu ku saabsan yahay doorashada soo socota ee aqalka hoose oo dhawaan ka bilaabanaysa dowlad goboleedyada.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Axmed Madoobe Garowe u  yimaado arrimaha doorashada, balse socdaalkaan wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore, iyadoo madaxweyne Deni la hadal hayo inuu yahay musharrax madaxweynaha Soomaaliya.

Labada madaxweyne oo siyaasad ahaan aad ugasoo horjeedo madaxweyne Farmaajo ayaa xusul duub  ugu jira sidii xildhibaanada aqalka hoose ka imaanaya ee labada dowlad goboleed, ay u noqon lahaayeen kuwa ku shaqeeya aragtidooda siyaasaddeed ee doorashada soo socota.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online