4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 14, 2021
AMISOM oo war kasoo saartay askartii dilka iyo xabsiga dheer lagu xukumay

Axad, November 14, 2021 (HOL) - Howlgalka AMISOM ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xukun dil iyo xabsi dheer ah oo lagu riday 5 kamid ah askarta AMISOM, kuwaas oo lagu helay in ay ka dambeeyeen dadkii lagu laayay tuulada Golweyn.

War-saxaaafaddeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in saraakiisha ugu sarraysa howlgalka ay aad uga xumaadeen dilkii loo geystay dadka rayidka ah, waxayna mar kale tacsi u direen qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkaas shacabka ahaa.

“Howlgal ahaan, AMISOM waxaa si qoto dheer uga go’an nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo ilaalinta dadka deegaanka iyadoo si adag loo ixtiraamayo Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada (IHL), Sharciga Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah, iyo Xeerarka Hawlgalka ee AMISOM. Dhammaan arrimahan waa qayb ka waajibaadkayaga,” ayuu yidhi danjire Madeira madaxa midowga afrika ee Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Ciidanka Difaaca Uganda, Brig. Gen. Don Nabasa, ayaa isna sheegay hadafkoodu inuu yahay sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen qatarta Alshabaab iyo Daacish, balse aysan marnaba meesha ku jirin in howlgalka AMISOM lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee u baahan in ilaaliyo naftooda.

AMISOM waxay sheegtay in saddexda askari ee lagu xukumay 39 ka sano ee xabsiga ah in dalkooda lagu celindoono si ay halkaas ugu dhameystaan xukunka ay dowladda Soomaaliya ku riday.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online