4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 13, 2021
Shil dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo ka dhacay bariga Burco

Sabti, Noveber, 13, 2021 (HOL) - 2 qof ayaa ku dhintay 14  kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay deegaanka Beer ee bariga magaalada Burco sida lagu baahiyay boga Facebook ee muuqbaahiyaha CBA.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen baabuur bas ah iyo baabuur xaajiyad ah, waxaana dhaawcyada shilka ka dhashay lagula tacaalayaa isbitaalka wayn ee magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland.

Ilaa iyo hada laamaha amaanka qaabilsani si toos ah ugama hadal sababta dhalisay isku dhaca baabuurta iyo hadii uu jiro khasaare  ka badan inta kor ku xusan.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]