4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 13, 2021
Xukuumada Somaliland oo baahisay waxqabad keedii 4 ta sanno
 

Sabti, Noveber, 13, 2021 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in mudadii 4ta sanno ahayd la hirgaliyay wadooyin, la hagaajiyay adeegyada bulshada, la saxay nidaamka ay u shaqeeyaan hay'addaha dowlada, la qalabeeyay isbitaalada, lala dagaalamay musuqa, la sameeyay barnaamijyo shaqo abuur, sixir bararka oo lala dagaalamay iyo baanka Somaliland oo maalgaliye noqday.

Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee xisbiga Kulmiye, ayaa lagu sheegay in 4tii sanno ee madaxweyne Biixi talada hayay, lala dagaalamay musuq-maasuqa iyadoo tusaale ahaan la xadiday kharashka ku baxa hay'adaha xukuumada, in xukuumadu bixisay kumanaan qandaraas oo si hufan loogu tartamay iyo in la casriyeeyay nidaamka isku xidhka hay'addaha xukuumada.

Waxa lagu xusay in la horumariyay adeegyada bulshada oo la dhisay 100 iskuul iyo 5 laybareeri, in la mideeyay manhajka waxbarashada, isla markaana ardaydu si bilaasha ku heleen bugaagta waxbarashada, in la qalabeeyay isbitaalada sida mishiinada baadhista Covid-19 iyo ogsajiin dhaliyayaasha oo la sameeyay iyo boqolaal xarumo caafimaad oo la hirgaliyay iyo in ceelal biyoodyo badan la qoday.

Waxa lala dagaalamay sixir bararka sidoo kale, waxaa la dajiyay jahawareerka lacagta doollarka iyo shilinka Somaliland, waxaana uu baanka dhexe sameeyay maalgalin u dhiganta 12 milyan oo dollar, isagoo baanku uu boqolaal shaqaale dowladeed ah lacago bilaa dulsaar ah amaahiyay sida qoraalka lagu sheegay.

Warbixinta ayaa xustay in la sameeyay barnaamijyo shaqo abuur oo uu ugu waynyahay barnaamijka Shaqo-qaran iyo in la dhisay wadooyin iyo biriijyo ay ugu mudantahay wadada Ceerigaabo iyo Burco oo lagu kordhiyay 160KM oo qasnada xukuumada laga maalgaliyay.

Waxa ugu danbayntii warbixinta lagu sheegay in xukuumada xisbiga Kulmiye qabatay dorashadìi ugu cuslayd ee abid Somaliland qabato oo xukuumadu ku bixisay lacag dhan 16-17 milyan oo dollar.

4 sanno ayaa maanta u buuxsamay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo oo lasoo doortay 13, November, 2017, waxaana baraha bulashadu kuwada xidhiidho ka taagan doodo iyo falanqayn la xidhiidha wax qabadka xukuumada Kulmiye, waxaana jira dad baraha bulshada ka mudaharaadaya oo leh waanu ku qasaarnay iyo qaar leh waa lagu faa'iiday.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]