4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 13, 2021
Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay militariga Eritrea iyo xisbiga haya talada dalkaas sababo la xiriira colaadda Itoobiya
 

Sabti, November 13, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa  ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo uu saaray militariga Eritrea iyo xisbiga talada dalkaas haya, taasoo sii xoojisay dadaalka maamulka Biden ee lagu cadaadinayo kuwa ku lugta leh colaadda sokeeye ee Itoobiya.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa liiska madow gelisay la taliyaha dhaqaalaha xisbiga talada haya iyo madaxa xafiiska amniga qaranka Eritrea, iyagoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda ee Itoobiya.

"Carqaladaynta Eritrea ku hayso deganaanshaha Itoobiya waxay sii dheeraynaysaa colaadda, taasoo caqabad weyn ku ah joojinta colaadda, waxayna khatar gelinaysaa jiritaanka dowladnimada Itoobiya," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri bayaan uu soo saaray.

Bayaanka ayaa lagu xusay warbixinno badan oo ku saabsan bililiqo, kufsi, dil, iyo xannibaadyo gargaar bani'aadanimo  oo ay geysteen ciidamada Eritrea.

 “Askartan waxaa la arkayey iyagoo xiran dareeska ciidamada Itoobiya oo isbaaro dhiganaya, xannibaya waddooyinka muhiimka ah ee gargaarka, isla markaana u geysanaya handadaad shaqaalaha caafimaadka ee mid ka mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee waqooyiga Itoobiya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Eritrea ayaa ciidankeeda u dirtay gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya si ay u taageeraan dawladda dhexe ee Itoobiya, oo muddo sannad ka badan ay colaad kala dhexeeyo xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay bishii Sebtembar ogolaanshaha in  cunaqabatayn lagusoo rogo dhammaan dhinacyada isku haya Itoobiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online