4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 13, 2021
Maraykanka iyo Kenya oo kawada xaajoondoona wax ka qabashada arrimaha amniga Soomaaliya iyo Ethiopia
 

Sabti, November 13, 2021 (HOL) - Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony J. Blinken ayaa 15-ka bishaan  booqan doona dalka Kenya, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, Raychelle Omamo.

Socdaalka xoghayaha difaaca Maraykanka Antony J. Blinken uu ku tagayo ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Kenya kala xaajoondoona iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Kenya.

Xoghayaha iyo wakiillada dowladda Kenya waxay ka wadahadli doonaan wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan.

Antony J. Blinken ayaa sidoo kale ku dhawaaqidoona taageerada Mareykanka ee ku aaddan doorasho nabad ah oo dimuqraadi ah oo ka dhacda Kenya sanadka 2022-ka.

Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Kenya, isagoo dalkaas ku leh saldhig military oo laga maamulo howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online