4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 12, 2021
Afhayeenka Kulmiye "Cabdiraxmaan Cirro aniga ayaa Somaliland uga tacab badan"
 

Jimco, Noveber, 12, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro ku eedeeyay in aanu Somaliland waxba gashan mudadii ay jirtay.

Buuni oo waraysi gaar ah siiyay HCTV, ayaa sheegay in isaga oo Buuni ah iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ay Cirro Somaliland uga tacab badan yihiin oo Cirro aanu Somaliland wax badan gashan.

"Axsaabta mucaaradka labada nin ee maanta kala hogaaminaya ninka ugu tacabka badan lihi waa Faysal, Cabdiraxmaana isagaa sheegay in uu 1999 dalka yimid, markay noqoto Cabdiraxman Cirro iyo aniga oo Buuni ah, aniga oo Buuni ah ayaa Cabdiraxman kaga tacab badan Somaliland" ayuu yidhi Buuni.

"Inta aanu qoys ahaan Somaliland gashanay, maalintii Borama la fadhiistay ee shirkii Boorama ka dhacayay, hotelka lagu martigaliyay, hotelkii Buuni ee Harawo ayuu ahaa, ee shacbiga reer Somaliland oo dhan u furay, isagu markaa caruurtiisa ayuu Finland la joogay, markaa tacabkii Somaliland ee aan anigu sheegtay uunbaa Cabdiraxman iyo xisbigiisa ku noqotay wax ay qadan waayeen" ayuu Buuni hadalkiisa ku daray.

Buuni ayaa sheegay in xisbi walba uu sheeganayo waxa uu Somaliland gashaday iyadoo aan xumaan iyo cadho midna jirin.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]