4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 12, 2021
Al-shabaab oo sheegtay in qarax miino ay ku dileen 5 ka mid ah askarta ciidamada Jabuuti
 

Jimco, November 12, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxay sheegteen qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah, kaasoo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan lagu beegsaday.

Al-shabaab ayaa waxa ay sheegteen in qaraxa uu haleelay mid ka mid gaadiidka ciidanka Jabuuti, xili ay marayeen wado ka mid ah wadooyinka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

War kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internetka ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen 5 ka mid ah askarta ciidamada Jabuuti lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi oo aan la hadalnay waxay sheegeen in jugta qaraxa oo aad u xoogan ay maqleen, balse aysan sheegi karin khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray ciidamada Jabuuti.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa miino oo masuuliyadiisa sheegteen dagaalyahanada Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]