4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 11, 2021
Soomaaliya oo 30 sano kadib shahaadooyin aqoonsi ah guddoonsiisay shirkaddaha diyaaradaha

Khamiis, November 11, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib guddoonsiisay Shahaadadii ugu horreysay ee Hawl-wadeennada Hawada (AOC), iyadoo la guddoonsiiyay duuliyeyaal iyo shirkado diyaaradeed, taasoo ka dhigan horumar kale oo weyn oo dhinaca duulista hawada ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa shahaadooyinka guddoonsiiyay Duuliyeyaal iyo Diyaarada Freedom Air oo ah diyaarad maxalli ah oo dalka muddo ka shaqeynaysay.

Raysal Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay hay’adda Duulista hawada Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto tayeynta duulista rayidka ee dalka sanadihii u dambeeyay.

Waxa uu ugu baaqay shirkadaha diyaaradaha in ay qaataan shatiyada si ay ugu suurtagasho in ay buuxiyaan heerarka duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Abaalmarinta shahaadooyinka ayaa ah tallaabo kale oo lagu kobcinayo waaxda duulista hawada Soomaaliya.

Bishii Ogosto, hay’adda duulista Soomaaliya ayaa billowday dhismaha xarunta dayactirka Diyaaradaha ee Muqdisho si loogu oggolaado adeegga iyo dayactirka diyaaradaha dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online