4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 11, 2021
Hay'ad fadhigeedu yahay Geneva oo sheegtay in hubka laga keeno dalka Iran si qarsoodi ah loosoo geliyo Soomaaliya
 

Khamiis, November 11, 2021 (HOL) - Qoryaha ay Iran siiso xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah looga soo gudbiyaa gacanka Cadmeed, sida ay sheegtay hay'ad fadhigeedu yahay magaalada Geneva.

Hay’adda caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan, ayaa sheegtay in daraasad ay ka soo saareen xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agabyo laga helay 13 doomood oo ay qabteen maraakiibta badda.

Waa cilmi-baaristii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo dalka Soomaaliya.

Iran ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegaysaa cadaymo hor leh oo tilmaamaya hubka dawladda Iran ugu talo gashay Yemen in ay usoo gudbaan Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegaysaa in ay isku mid yihiin caalamadaha hubka ay bixisay dawladda Iran iyo hubka lagu arkay Soomaaliya oo qaarkood gacanta u galay Alshabaab iyo Daacish.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online