4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 11, 2021
Diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare oo Maanta ka bilaabaneysa magaalada Dhuusamareeb
 

Khamiis, November 11, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer maamul goboleed ee Galmudug ayaa goordhaw oo maanta ah magaalada Dhuusamareeb ka bilaabaya sida qorshuhu yahay diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartameysa labada kursi ee ka harsan kuraasta Aqalka sare.

Afar Musharax ayaa u taagan u tartamida labada kursi ee ka midka ah kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, waana labadii kursi ee ugu dambeysay guud ahaan kuraasta Aqalka sare, maadama maamulada kale ay kal hore dhameystireen doorashada Aqalka sare.

Musharaxiinta labada kursi ku tartami doona ee madaxweyne Qoorqoor uu soo gudbiyay ayaa kala ahaa Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cawil Nuur Cali oo kuwada tartami doona kursiga koowaad, halka kursiga labaadna ay u tartami doonaan Musharaxiinta kala ah Mahad Aadan Guuleed iyo Cabdi Cismaan Xareed.

Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug ayaa sida uu qorshahu yahay lagu wadaa inay ka dhacdo maalinta Sabtida ah ee soo socota magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa noqonaya Maamulka ugu dambeeya ee dhameystira doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kal hore dhameystiray doorashada Aqalka sare maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo hadda u diyaar garoobaya bilaabida qabashada doorashada Aqalka Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]