4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Madaaafiic khasaare geysatay oo lagu weeraray deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday waxay ku qaadeen Saldhig ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku leeyihiin deegaanka Biya Cadde oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney maqleen dhawaqa jugta madaafiicda culus oo ku dhacday Saldhiga ciidanka AMISOM ee Burundi, islmarkaana aaysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ee lagu bartilmaameedsaday Saldhiga ciidanka Burundi.

Ciidamada Burundi ayaa la sheegay in dhankooda aay ka jawaab celiyeen madaafiicda aay kusoo weerareen dagaalamayaasha Al-shabaab inkastoo wax war ah aysan kasoo saarin khasaaraha ka dhashay madaaafiicda lagu soo weeraray iyo tan aay ku jawaabeen.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegtay in weerarka madaafiicda ah ay ku qaadeen Saldhiga Burundi aay ku dileen 5 ka mid ah askarta ciidanka Burundi.

Deegaanka Biyo Cadde waxaa aad ugu soo kordhayay maalmahii dambe weerarada Al-shabaab aay ku qaadayaan deegaankaasi oo horay bishan gudaheeda uga dhaceen weeraro kala duwan sida ismiidaamin, dagaal toos ah iyo madaafiicda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]