4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Natiijada baaritaanka dilkii Sheikh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere) oo Gaalkacyo lagusoo bandhigay Gaalkacyo
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Guddi loo xilsaaray baaritaanka dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sheikh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere), ayaa maanta soo bandhigay warbixin ku saabsan natiijada baaritaan dilkiisa.

Guddiga waxay sheegeen in ay baaritaan ku ogaadeen in uu dilkaas ka dambeeyo dable katirsan ciiddanka daraawiishta Galmudug oo lagu magacaabo Cabdixakiin Cabdi Salaan Aadan (Hindhiso).

Askarigan ayaa la sheegay inuu katirsanaa saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, waxaana dilka gacan ku siiyay labo askari , kuwaas oo marka uu dilku dhacay u baxsaday degmada Galdogob.

Guddiga waxay Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in si degdeg ah loosoo qabto gacan ku dhiiglaha, si caddaalada loo horkeeno.

Sheikh Cali Dheere, oo maalmo ka hor dilkiisa loo xiray tuhun Alshabaabnimo ayaa maamule ahaa xarun Agoomaha lagu daryeelo, waxaana dilkiisa ka dhashay caro aad u weyn.

Maalintii ciidul fidriga kumaan dadweyne ah ayaa isugusoo baxay waddooyinka koonfurta Gaalkacyo, iyagoo muujinayay sida ay uga xun yihiin dilkaas, waxayna dalbanayeen in uu caddaalad helo.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor ayaa kadib magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dilka Sheikha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online