4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 17, 2021
Golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa oo doortay mayor cusub
 

Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Hargaysa, ayaa Cabdikariin Axmed Mooge u doortay mayorka cusub ee Hargaysa, halka Khadar Axmed Cumar loo doortay mayor ku xigeen.

Mooge ayaa ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa doorashadii golaha deegaanka ee Hargaysa, isla markaana wuxu mudo badan u ollolaynayay jagada mayorka Hargaysa.

Xildhibaano badan oo doonayay in ay kula tartamaan Mooge jagada mayorka, ayaa ka tanaasulay hankoodii isla markaana isaga u tanaasulay.

Xildhibaanada loolanka adag ugu jiray Jagada mayorka waxa ugu caansana mayorkii hore ee Hargaysa Cabdiraxman Maxamud Caydiid Soltelco, oo madaxweynaha Somaliland uu ku qanciyay in uu Mooge u tanaasulo.

Dhamaan ba xildhibaanada golaha deegaanka saddexda xisbi uga soo baxay, ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in Mooge noqdo mayorka caasimada Hargaysa.

Dadwaynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa oo codka ugu badan siiyay mayorka cusub, ayaa rajo wayn ka qaba in uu horumarin doona Hargaysa.

"Alle waxan ka baryaya in aanu noqono kuwa kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya, kuwa Hargaysa u shaqeeya iyo kuwo taariikh ka taga" sida waxa yidhi Cabdikariin Axmed Mooge kadib markii la doortay.

Magaalooyinka ilaa hada doortay mayoradooda waxa kamida Berbera, oo mayor Ciddin dib loo doortay, Gabilay oo mayor Maxamed Amiin dib loo doortay iyo Ceerigaabo oo mayor Ismaciil Xaji Nuur dib loo doortay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]