4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
La taliyaha arrimaha doorashada madaxweyne Farmaajo oo sheegay in loo diiday inuu Kismaayo ka dago
 

Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - La taliyaha arrimaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo, Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in maanta loo diiday inuu ka dago magaalada Kismaayo, diyaaradii uu la socdayna dib loogu celiyo Muqdisho.

Cabdi Cali Raage oo la hadlay BBC Somali, ayaa sheegay in markii diyaarada uu la socday ay cago dhigan rabtay madaarka Kismaayo lagu wargaliyay duuliyaha inuu dib ugu laabto Muqdisho.

Raage wuxuu sheegay go’aanka lagu celiyay inuu bixiyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo uu sheegay inuu kasoo horjeedo in Cali Raage oo ah musharrax xildhibaan uu tago Kismaayo.

“Marar badan ayay igasoo gaartay in Axmed Madoobe uu yiri, ninkaas Raage la yiraahdo Kismaayo ma imaan karo. Balse anigu mar walba waan baciidsanayay warkaas, oo waxaan is lahaa arrin nin masuul ah ka imaan karta ilama ahayn. Hase yeeshee maanta ayay Shock igu noqotay inuu Kismaayo iga celiyo," ayuu yiri Cabdi Cali Raage.

Raage wuxuu sheegay sababta looga celiyay Kismaayo in ay tahay aragtida siyaasadeed oo ay ku kala duwan yihiin isaga iyo madaxweyne Axmed Madoobe oo ay mar wada shaqayn jireen.

“Waxaa iiga muuqata madaxweyne Axmed Madoobe dulqaad yaraan siyaasadeed. Anigu waagii aan isaga la shaqayn jiray marna raali kama ahayn waxyaabaha uu sameyn jiray oo aad uga xumaa tan maanta uu aniga igu sameeyay,” ayuu yiri Cabdi Raage.

Falkaan ayaa dhacay ayaa kusoo beegmay xilli uu magaalada Kismaayo ku sugan yahay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka qeyb galay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online