4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Madaxweynahii hore ee dalka Koofur Afrika Jacob Zuma oo La xiray
 

Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dalka Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa isku dhiibay Booliiska dalkaasi si ay ugu bilaabato 15 bilood oo xabsi oo uu ku muteystay amardiido uu ku sameeyay maxkamada dastuuriga ee dalka Koofur Afrika.

Afhayeen u hadlay Booliiska dalka Koofur Afrika lirandzu Themba ayaa xaqiijiyay inuu Zuma ku jiro gacanta Booliiska.

Zuma ayaa loo kaxeeyay xabsi ku dhaw gurigiisa oo ku yaala gobolka Kwazulu-natal gelinkii dambe shalay oo Arbaca aheyd.

Mr Zuma ayaa toddobaadkii hore lagu xukumay 15 bilood oo xabsi kadib markii uu ku guuldareystay inuu ka qeyb qaato baaritaan musuqmaasuq, xukunka oo dhaliyay dood sharciyeed oo haray anan loogu arag dalka Koofur Afrika, iyadoo waqtiga kama dambeysta ahaa ee loo qabtay soo xiritaanka Zuma uu ku aadana Xalay saacada markey aheyd 22:00 GMT.

Xalay ayaa habeenkii koowaad u aheyd madaxweynahii hore ee dalka Koofur Afrika Jacob Zuma xukunkiisa xabsi ee ka kooban 15 bilood.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]